Biriq dishay 16 qof oo sawirro iska qaadayay
Biriq dishay 16 qof oo sawirro iska qaadayay 13 Luulyo 2021, 05:28 EAT Xigashada Sawirka, NurPhoto Biriqda ayaa sanad walba dhowr qof ku disha Hindiya Jac ama biriq ayaa Axaddii ugu yaraan 16 qof ku dishay dhowr kalena ku dhaawacday magaalada Jaipur ee waqooyiga Hindiya ku taalla. Dhibbanayaasha ayaa xilli uu rob da'ayay sawirro isaga qaadayay daar dheer korkeeda oo ka tirsan 12th Century Amer Fort oo ah goob caan ku ah dalxiiska. Dhowr qof ayay sidoo kale biriq ku dishay gobollada Uttar Pradesh iyo Madhya Pradesh. Jacda ayaa ilaa 2,000 oo qof oo dalkaasi u dhashay disha sanad walba. Sarkaal ...