Guddiga Xaquuqul Insaanka Itoobiya iyo dowladda Abiy Axmed oo "ku kala aragti duwan" xaaladda Tigray
Guddiga Xaquuqul Insaanka Itoobiya iyo dowladda Abiy Axmed oo "ku kala aragti duwan" xaaladda Tigray 4 Luulyo 2021, 06:08 EAT Xigashada Sawirka, AFP Guddiga Xuquuqul Insaanka dalka Itoobiya ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin deg deg ah si loo xaqiijiyo badqabka dadka rayidka ahi ee ku nool waqooyiga gobolka Tigreeda, halkaasi oo colaad siddeed bilood socotay ay sababtay in boqolaal kun oo qof ay macluul ku habsato. Guddigani madaxa bannaan balse ay dowladda Itoobiya soo magacawday ayaa ku baaqday in la helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xaaladda amniga iyo tan bani'aadamnimada ee h...