Khubarada aasaarka qadiimka ah ee Masar oo helay qalfoofka nibiri barri-biyood ahaan jiray
Koox cilmi-baadheyaal taariikhda qadiimka ah oo ka tirsan Jaamacadda Al-Mansuura ee dalka Masar, ayaa helay qalfoof cusub oo ah nooc ka mid ah nibiriyo ahaan jiray barri-biyood oo noolaa 43 milyan oo sannadood ka hor.