Aroos dad badan ka yaabiyay oo ka dhacay mid ka mid ah dalalka Afrika
Diyaarado khaas ah ayaa buuxiyay dhabaha diyaaraduhu ka haadaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Kano ee woqooyiga Nigeria iyadoo xubno ka tirsan madaxda dalka Nigeria iyo kuwa Galbeedka Afrika ay u duuleen arooska wiilka madaxweynaha iyo gabadha hoggaamiye diineed iyo dhaqan caan ah.