Jovenel Moïse: Sir kale oo laga helay calooshood u shaqeystayaashii dilay madaxweynaha Haiti
Jovenel Moïse: Sir kale oo laga helay calooshood u shaqeystayaashii dilay madaxweynaha Haiti 16 Luulyo 2021, 07:21 EAT Xigashada Sawirka, EPA Madaxweynaha dalka Kolombiya Iván Duque ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka reer Colombia ee lagu tuhmayo dilkii madaxweynihii Haiti Jovenel Moïse ay "aqoon durugsan" u lahaayeen qorshaha dilka hogaamiyahaii Haiti. Mr Moïse ayaa toddobaadkii hore lagu dilay gurigiisa iyadoo sidoo kalana xaaskiisa la dhaawacay. Booliska Haiti waxay sheegeen in koox calooshood u shaqeystayaal ah oo ka koobnaa askar hore oo reer Colombia ah ay dileen Mr Moïse. Mr Du...